U bood dhigaalka

Kheyre Oo La Kulmay Guddiga Shaqadiisa La Hakiyey Ee wajiga 2-aad ee dib-u-qaabeynta Ciidamada

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa axaddii xafiiskiisa kulan kula qaatay guddiga u xil saaran wajiga labaad ee dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida. Guddiga oo 9 maalin uun shaqeeyey ayaa la istaajiyey shaqadiisa, sababo aan ilaa hadda la shaacin.

Lama oga in kulanka dhex maray guddiga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddigan looga hadlay in shaqada dib loo bilaabo iyo in kale.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay shaqooyinka ay soo qabteen intii ay ku jireen wajiga labaad dib-u-qaabeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga faray in ay dardar-geliyaan howlaha ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Wejiga labaad dib-u-habeynta ciidamda ayaa ka kooban in ciidamada la diiwaan geliyay lagu hubiyo goobahii laga diiwaan geliyay, in la qiimeeyo baahiyaha ciidamada ee saanad iyo hub, in la qiimeeyo Dhismaha xeryaha ciidamada oo lagu saleynayo tirakoobkii la sameeyay, tayeyn ciidamda iyo qiimeynta dhanka tababarrada ay u baahan yihiin.

Goobjoog News