U bood dhigaalka

Kheyre Oo Maanta Fulinaya Qodobo Ka Mid Ah Heshiiskii DFS Iyo Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku wajahan magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabelle.

Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in madaxda maamulka Hirshabelle iyo shacab badan ay haatan ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Jowhar si ay halkaasi ugu soo dhoweeyaan Ra’iisul wasaaraha.

Mas’uuliyiin Hirshabelle ah oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in Kheyre u tagayo Jowhar fulinta qodobo ka mid ah heshiis la sheegay in Muqdisho ku gaareen dowladda federaalka iyo sidoo kale maamulka Hirshabelle, gaar ahaan madaxweynaha maamulkaasi.

Waxa uu Kheyre dhagax dhig ku sameyn doonaa illaa Lix Mashruuc oo la sheegay in qodobadii Waare lagu qanciyey ka mid ahayd, markii uu ka laabanayey go’aankii xiriirka loogu hakiyey DFS ee dowlad goboleedyadu ku gaareen Kismaayo.

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo waxyar kadib halkaasi uu gaari doono Ra’iisul wasaaraha.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News