U bood dhigaalka

Kheyre Oo u Safraya Mareykanka

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheye ayaa saacadaha soo socda u safraya dalka Mareykanka. Waxaa safarkiisa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha dowladda federaalka ah.

Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay in uu Mareykanka kula kulmi-doono hey’adaha dhaqaalaha caaliga ah sida IMF-ta iyo bangiga adduunka.

Kheyre iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmi-doona saraakiil ka socota dalka Mareykanka iyaga oo kala hadli doona xiriirka labada dal.

Goobjoog News