U bood dhigaalka

Kheyre “Waxaan Rajeynayaa Sanadkan 2017 In Dowladda Aan Wax Deyn Ah Looga Yeelan Doonin Gudaha Dalka”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

Mudane Xasan Cali Khayre waxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo.

“Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda.

—DHAMMAAD—-