U bood dhigaalka

Khilaaf Ka Dhex Curtay Duqa Magaalada Gaalkacyo Iyo Golaha Deegaanka Ee Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in khilaaf uu xilligaan ka dhex curtay duqa magaalada Gaalkacyo Bile Diini Cali iyo sidoo kale golaha deegaanka magaaladaasi.

Khilaafkaan ayaa noqday mid hadal hayntiisa ku baahay dhammaan deegaanada maamulka Galmudug.

Golaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa ku eedeeyay duqa magaaladaasi wax isdaba marin iyo sidoo kale inuu kasoo horjeesto awaamiirta golahaasi.

Nabadoon Cabdirashiid Cartan oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News, in duqa Gaalkacyo uu lunsaday dhaqaale canshuur ahaan looga qaaday shacabka Gaalkacyo.

“Canshuurta dadweynaha ayeey ka timaadaa, waana inay iyagu ku noqotaa, ma ahan in siyaasad lagu galo, ama jaab lagu shubto, canshuurtii waa laga joojiyay, waxa uu hadda ka faa’ideysanayaa qandaraasyada uu la gelayo Hay’adaha” ayuu yuri Nabadoon Cabdirashiid.

Dhinaca kale Goobjoog News ayaan u suurta gelin xiriir ay la sameeysay duqa magaalada Gaalkacyo Bile Diini, si aynu wax uga weydiinno eedeynta loo soo jeediyay.

Goobjoog News