U bood dhigaalka

Khilaaf Ka Dhex Curtay Golaha Deegaanka Degmada Burtinle Ee Gobolka Nugaal

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degamada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan  in xilligaan khilaaf uu soo kala dhexgalay golaha deegaanka degmadaasi.

Khilaafkan ayaa yimid kadib markii ay dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ay kalsoonidii kala noqotay 5 xubnood oo ka tirsan golahaasi.

Tani waxay keentay in xubnihii Xasaanada laga qaaday iyo sidoo kale kuwii kale qaarkood is khilaafaan, islamarkaana ay taasi sabab u noqoto inuu shaqeyn waayo maamulka guud ee degmada Burtinle.

Guddomiyaha degmada Burtinle Maxamed Maxamuud Buur Dibi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xubnihii Xasaanadda laga qaaday ay billaabeen iney carqaladeeyaan howlihii guud ee bulshada u hayey maamulkiisa.

Wuxuu tilmaamay iney xubnahani degmada ka eryeen hay’ado samafal oo uu sheegay in halkaasi ka shaqeyn jireen, sidoo kalena ay billaabeen iney xiraan waddooyin horay u furnaa waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee xasaanadda laga qaaday ayaa iyaguna dhankooda waxay sheegayaan in shaqadooda si caadi ah u wataan, islamarkaana aan waxbo ka jirin in xasaanadda laga qaaday, waxayna carqaladda ka jirta degmada Burtinle iyo golaha deegaanka degmadaasi ay ku sheegeen iney ka dambeeyaan shaqsiyaad gaar ah waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Goobjoog News