U bood dhigaalka

Khilaaf Ka Dhex Curtay Maamulka Magaalada Baladweyne Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan gaar ahaan guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Cismaan Cabdi Qallaafow iyo ku xigeenkiisa dhinaca maaliyadda Muuse Cabdi Daahiye ayaa xilligaan waxaa la sheegayaa in khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay, kaasi oo markii ugu horreysay dibadda usoo baxay.

Xubno ka tirsan maamulka degmada Baladweyne ayaa sheegay in Labadan mas’uul ay isku hayaan cidda sida dhabta ah u maamuleysa dhaqaalaha degmada Baladweyne, taasi oo sababtay in ciidan kala taabacsan Labada mas’uul ay ku sigtaan iska horimaad ku dhex mara xarunta degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee degmada Baladweyne Muuse Cabdi Daahiye oo xiriir ay la sameysay Goobjoog News kana gaabsaday in cod ahaan u bixiyo wareysi ayaa inoo xaqiijiyey in khilaafkan uu ka dhashay qalab Computero ah oo hay’ad qalabeynaysay xarunta degmada B/weyne ay ku wareejisay isaga guddoomiyaha degmadana isku dayey in qalabkaasi meello kala duwan u isticmaallo, waxaana guddoomiye ku xigeenka inoo xaqiijiyey in qalabkaasi isku dhaca uu ka billowday islamarkaana illaa hadda dooddiisu ay taagan tahay.

Dhinaca kale Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi ayaa ka jawaabi waayey taleefanka si aan arrimahan waxa uga weydiinno iyo eedeynta loo soo jeediyey iyadoo illaa hadda aan wadno dadaalka ah sidii aynu ku heli lahayn.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayeey khilaafyadan ahaayeen kuwo si hoose usoo jiitamayey balse ay ugu dambeyn soo shaac baxeen.

Waxaa soo diray: C/risaaq Al-cadaal

Gobjoog News

B/weyne – Hiiraan