U bood dhigaalka

Khilaaf Siyaasadeed Ka Dhex Ifaya Dowladaha Soomaaliya Iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Waxaa soo ifbaxaya qilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex-galay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib markii lagu xannibay goroonka Jumo Kenya wafdi uu hoggaaminayey ra’iisulwasaraha Soomaalia Cumar Cabdi Rashiid.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo ku safrayey diyaarad gaar ah ayaa ayaa lagu amray iney dibadda garoonka uga bixin iyadoo lagu eedeeyey iney ku xadgudbeen anshaxa dalka ku galka ee Kenya.

Diyaaradda ay la socdeen wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa si toos ah u gaartay garoonka diyaaradaha ee Jumo Kenya  iyadoo kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde iyadoo aan soo marin wax baaritaan ah.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo wafdiga la socday ayaa u socday dalka Turkiga si ay uga qeybgalaan shir la filayo inuu ka dhaco dalka Turkiga .

Dowladda kenya ayaa horay amar ugu bixisay in baaritaan lagu sameeyo diyaaradaha ka yimaada dalka Soomaaliya islamarkaana aysan si toos ah usoo gaarin dalka magaalada Nairobi illaa ay ku hakadaan magaalada Wajir si halkaas loogu soo baaro.

Dhacdadaan lagu xannibay ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo wafdiga la socday ayaa laga cabsi qabaa iney ka dhex abuurto labada dal muran siyaasadeed islamarkaana uu mugdi galo xiriirka ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaan weli la ogeyn sababta keentay in duuliyeyaashii waday diyaaradda ra’iisulwasaaraha ay ku doorteen  iney si toos ah uga degto diyaaradda garoonka Jomo Kenyata iyoo og in diyaaraduhu ay ku hakadaan garoonka Wajir si loo baaro.

Sarkaar ka tirsan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyata ayaa sheegay in arrintani ay xadgudub ku tahay ammaanka dalka Kenya, wuxuu intaas ku daray in duliyeyaashii waday diyaaradda ka timid Soomaaliya ee wafdigu ku safrayey ay ogaayeen in arrintani ay tahay mid qilaafsan sharciga.