U bood dhigaalka

Khilaafka Dowladda Dhexe Iyo Dowlad Goboleedyada Waxuu Caqabad Ku Yahay Horumarka, Ergeyga QM

Sheeko:Dalka

Nicholas Haysom oo haatan ku jira socdaalka wada hadallo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac uu caqabad ku yahay horumarka Soomaaliya.

Nicholas Haysom waxaa uu intaasi ku daray in ay wadaan dadaallo lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya, lana doonayo inay mar kale cagaheeda isku taagto, laakin khilaafkan uu arrimahaas caqabad ku yahay.

Ergeyga UN-ka Nicholas Haysom iyo  midka Afrika Francisco Madeira ayaa todobaadkii tagay waxaa ay bilaabeen kulamo ay la yeesheen aqalka sare iyo maamullada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle, iyaga oo iska xil saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka dowladd dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Dowlad gobleedyada ayaa aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday inay qeyb ka noqdaan xalka isla markaana dhexdhexaadiyaan iyaga iyo dowladda dhexe.

Goobjoog News