U bood dhigaalka

Khilaafka Garabyada Is Haya ee Xisbiga Ucid oo Mar Kale Cirka Isku Shareeray  

Sheeko:Dalka

Khilaaf  labada garab ee is haya ee xisbiga Ucid ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii ay  isku khilaafeen qabsoomidda shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga,  kaas oo maxakamadda sare Somaliand ay horey go’aanno uga soo saartay.

Shirar jaraa’id oo iska soo horjeeda oo labada dhinac mid waliba  xarunta xisbiga dhexdeeda ku qabtay, ayaa garabka taageersan guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa ay sheegeen iney dib u dhigeen shirweynihii maxkamaddu ku xukuntay iney qabsadaan si meesha looga saaro khilaafka labada garab ee xisbiga.

Shabaash oo ku hadlayey magaca garabka Faysal Cali Waraabe, ayaa shaaca ka qaaday maalin kale oo uu isla garabkaasi dib u dhigay shirweynihii xisbigaas,“Guddoomiyihii oo hawl qaran ku maqan darteed waxanu shirweynihii xisbiga Ucid u dhignay dib, waxa aanu ka dhignay 7-da bisha soo socota ee November”,  Ayuu yiri Shabaash.

Shabaash oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dooday in guddiyada tobanka ah ee ay maxkamaddu fartay iney labada garab magacaabaan si ay shirka u qaban qaabiyaan oo go’aankooda kama dambaysta ah leeyahay hoggaanka xisbiga shirweynihii Hargeysa lagu qabtay sanadkii 2012-kii oo aaney goobjoog ka ahayn murashax Jamaal iyo xubno badan oo garabkiisa ahi, waxana uu yiri,“Ergooyinka shirka imanayaa waa kuwii ka soo qeyb galay shirweynihii sanadkii 2012-kii, ergooyinkuna waxa ay gobollada ka soo amba bixi doonaan Sabtida soo socota, guddiga aanu kamid nahayna waxa ay maxkamaddu xukuntay tobankaas xubnood ee labada dhinac laga soo magacaabayo go’aanka ugu dambeeya waxa iska leh hoggaanka xisbiga, taas macnaheeduna waa hoggaanka xisbiga ayaa hoggaaminaya guddiga qabanqaabada, hoggaankaas oo noqonaya kii shirweynihii ugu dambeeyey ee xisbiga.”

Dhinaca kalen, xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga Ucid oo isagu la safan garabka Jamaal Cali Xuseen, ayaa daqiiqado kadib isla xafiiska guud ee xisbiga saxaafadda kula hadlay, waxa uuna sharcidarro ku tilmaamay guddoomiyenimada Faysal Cali Waraabe, waxa uu yiri,“Waad wada ogtihiin in guddoomiyihii xisbigu yidhi murashax baan ahay, maadaama uu murashax sheegtayna guddoomiyenimadii wuu ka tanaasulay, sidaas awgeed waxanu sheegaynaa inaanu maanta laga bilaabo guddoomiye ahayn”.

Xoghaye Sabce oo hadalkiisa sii wata, ayaa isaguna iclaamiyey maalin gaar ah oo shirweynaha xisbigu furmi doono, waxana uu hoosta ka xarriiqay in shirweynahaas lagu dooran doono guddoomiyaha xisbiga Ucid ee cusub,“Bishan lixdeeda, ayaanu qabanaynaa shirweynihii xisbiga oo lagu dooran doono guddoomiyaha xisbiga iyo hoggaanka sare, waayo meel guddoomiyeba jirin wax laga wadahadlayaa ma jiri doonaan.” Ayuu yiri xoghaye Sabce.

Muranka garabyada is haya ee xisbiga Ucid, ayaa halkiisii ugu sarrayay maraya, xilli ay foodda inagu soo hayso dhammaadka muddadii labada bilood ee maxkamadda sare go’aamisay in shirweyne lagu qabto, waxana dhibka ugu weyni haatan ka taagan yahay xubnaha tobanka ee loo asteeyey iney shirkaas qaban qaabiyaan oo dhinacyadu isla fahmi la’yihin go’aan qaadashada, maadaama labadii dhinacba siman yahay.

Goobjoog News