U bood dhigaalka

Khilaafka Siyaasadeed Ee Maamullada Jubbaland Iyo Koonfur Galbeed Oo Lasoo Afjarayo

Sheeko:Dalka

Markii ugu horreysay ayaa madaxda maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxa ay yeesheen kulan fool ka fool ah kaasi oo looga hadlayay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Labada maamul.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa goobjoog ka ahaa kulan Sabtidii shalay ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Labada maamul, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xallin lahaa wax walba oo la kala tabanayo sida baarlamaanada Labada maamul iyo in meesha laga saaro wax walba oo Labada maamul sii kala fogeyn kara.

Ra’iisul wasaare Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga wada hadlay sidii loo dhameyn lahaa wax walba oo ka dhex jira Labada dhinac, ayna ku heshiiyeen in si wadajir ah loo xalliyo wax walba oo Labada dhinac ay kala tabanayaan sida baarlamaanka iyo arrimo kale.

“Waxaan ka wada hadalnay sidii loo xallin lahaa kala tabashada Labada dhinac ay qabaan, waxaan ku heshiinnay in si wadajir ah iyadoo dowladda Federaalka horkacayso in lasoo afjaro arrimahaasi, la xalliyo wixii tabasho ah ee ka jira baarlamaanka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa isna mar uu la hadlay saxaafadda waxa uu sheegay in ay isla garteen maamulka Koonfur Galbeed inay qanciyaan cid walba oo wax tabanayso, meeshana laga saaro khilaafka jira.

“Waxaan isla qaadannay dowladda Federaalka doorkeeda inay qaadato, annagane aan ogaanno mas’uuliyadda na saaran, la qanciyo dadka wax tabanaya” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna sheegay in dhankooda ku dadaalli doonaan in si dhab ah loo wajaho waxa kasoo baxay wadahadalladaasi.

“Dadku wey wada dhasheen dhinac walbana wey wada deggan yihiin, waxyaabo la kala tabanayo wey jiraan  marka waxaan isla garannay in loo wada hadlo si daacadnimo ah, walaalnimo ay ku jirto loo wada hadlo, dhankeenana diyaar baan ka nahay” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxaa ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed kadib markii la dhisay baarlamaannada maamulladaasi, iyadoo ay jiraan dad Labada dhinac kasoo kala jeeda oo sheegay in xuquuqdooda ay waayeen.

Goobjoog News