U bood dhigaalka

Khilaafkii Dabageed iyo Hirshabelle Oo Lasoo Afjarayo

Sheeko:War

Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha dowled gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) ayaa sheegay in waanwaantii laga dhexwaday madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed  ay mareyso meel wanaagsan rajana laga qabo in 24 saac gudahooda la gabagabeeyo.

Wasiir ku-xigeenka oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay dadaal badan oo lagu bixiyay hadda ay wax marayaan meel aad u wanaagsan ayna rajeynayaan in dhawaan xal waara la gaaro  isaga oo yiri“ Arritaan dhowr iyo 20-tan maalin ayeey qaadatay waxaa aan u joognay waxaa ay aheyd is qancin in la sameeyo ayuu doorkeenu ahaa, kadib waxaa nagu soo biiray xildhibaanada federaalka oo nala jooga ilaa 11 maalmood, gudoomiyihii hore waxaa uu dalbaday inuu la hadlo madaxweyne Waare tiina xalay ayeey dhacday”.

Sidoo kale Daqare oo hadalkiisa sii-wato, ayaa xusay in xildhibaanada federaalka iyo heer gobol ay is ku dayeen sidii loo gaari lahaa heshiis looga hortagayo in colaad ay isku badasho khilaafka ka taaganaa gobalka Hiiraan.

Waqtiga dheeraaday waxaa keenay in nidaam dowli ah lagu abaaro, ayadoo laga hortagayay in caqabad ay timaado lakiin hadda nidaamkii wuu socdaa dib u shiisiinta iyo in lagu qanciyo inuu xil wareejin uu sameeyo gudoomiyihii hore ee gobalka”

Dhanka kale  Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha dowled gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, ayaa sheegay in Hirshabeelle ahaan ay rajo weryn ay ka qabaan in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee gobalka Hiiraan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha dowled gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) aya“ Rajo fiican ayaan ka qabnaa xildhibaanadii dhamaan waa ay joogaan muddo dheer ayeey ku qaaday sidii xalka loo heli lahaa,maamul ahaanna waan rajayneynaa in ay dhamaato”.

Goobjoog News