U bood dhigaalka

Khilaafkii u Dhaxeeyey Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka Oo La Dhammeeyey

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan.

Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen,waxayna Xubnaha guddiga si wadajir ah u qireen in howlo badan ay guddiga u yaallaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto.

“Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Goobjoog News