U bood dhigaalka

Khubaro: Haweenka Lagu Fara Xumeeyo Mareykanka Oo Ka Badan Kuwa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Khubaro tiro ahaan gaaraya 548 qof, oo ka tirsan Thomson Reuters Foundation ayaa sheegaya in dalka Mareykanka uu kaalinta 3aad ugu jira dalalka sida xun loogu fara-xumeeyo dumarka.

Sida warbixinta lagu sheegay, haweenka ku nool Mareykanka waxaa ay la kulmaan fara xumeyn ka badan haweenka lagu kufsado dagaallada, ama ay kufsadaan dad  yaqaanaan ama kuwoo aaney aqoon ee ku nool dalalka Saudi Arabia, Afghanistan, Pakistan, Mexico iyo Somalia.

Khubaradan waxaa kale oo ay sheegayaan in tacadiyada aan jinsiga aheyn ee loogu geysto haweenka gudaha Mareykanka uu dalkaasi galay kaalinta 6aad, waxaa 7aad ah Sacuudiga.

Markii ay Mareykanka ka bilaabatay ololaha The #MeToo, waxaa soo if-baxay dhibaato badan oo aan horay u muuqan kuwaas oo lagula kaco haweenka Mareykanka.

Dalka India ayaa ah dalka ugu khatarsan gabood-fallada loo geysto haweenka, maalin walba waxaa  booliiska dalkaasi loo geeyaa cel-celis ahaan 100 kiis oo arrimahan la xiriira.

Goobjoog News