U bood dhigaalka

Khudbad Jeedintii Musharraxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Lasoo Gunaanaday

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta ayaa si rasmi ah waxaa loo soo gunaanaday khudbad jeedintii musharraxiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Maanta waxaa hadal lahaa 5 musharrax oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, iyaga oo soo bandhigay qorshahooda siyaasadeed.

Musharraxiinta hadalka maanta jeediyey ayaa kala ahaa:

  • Xildhibaan Shariif Sheekh Maye
  • Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh
  • Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
  • Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye
  • Xildhibaan Iimaan C/laahi Cali

Waxaa sidaasi kusoo idlaatay hadal jeedintii 11-ka musharrax, waxaana la dilayaa in doorashada ay dhacdo 30-ka bishan sida ku xusan jadwalka doorashada.

Goobjoog News