U bood dhigaalka

Khudbadaha Madaxda ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee Adis Ababa

Sheeko:Dalka

Waxaa socda khudbadaha madaxda kala duwan ee Afrika iyo aduunka, waxaa ilaa iyo hadda hadlay Zuma, Ban Ki Moon. Maxamud Cabaas iyo Mugabi.

Madaxa midowga Afrika Dr. Nkazana Dlamini Zuma oo horeyn furtay shirka ayaa ku dheeraatay qaaradda Afrika, iyadoo soo qaadatay in qaaraddan uu ka buuxo kheyraad fara badan oo dadka iyo dhul leh, loona baahan yahay si siman loo qeybsado.

Zuma waxaa ay goobta ka sheegtay in ay jeceshay in ay aragto Afrika oo lagu soo dalxiisayo oo dadka u soo daawasho tagaan xeebaha dhaadheer ee qaaradda, buuraha, harooyinka iyo goobaha taariikhiga ah ee qaaradda.

Ban Ki Moon oo shirka ha hadlay waxaa uu sheegay in madaxda Afrika looga baahan yahay in ka fakiraan dadkooda oo naftooda keliya aanay ka fakirin, isagoo sidoo kale ka hadlay arrimo badan oo ay ku jiraan howlaha amaanka.

Maxamud Cabaas oo ah madaxweynaha Falastiin ayaa madaxda Afrika ugu mahadceliyay sida qadiyadda Falastiin ay uga dhigeen mid Afrika leedahay isagoo ku booriyay in iskaashi uu dhex maro Afrika iyo Carabta lagu dadaalo in dhulka uu ka yimid laga hirgeliyo labo dowlad oo daris ah oo falstiin iyo Isra’il ay leeyihiin.

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay Madaxweynaha Zimbabwe R. Mugabe isagoo sheegay in loo baahan yahay in dib u habeyn lagu sameeyo golaha amaanka ee qaramada Midoobey, lana ballariyo.

Shirkan oo ah shir madaxdeedkii 26-naad ayaa looga hadlayaa Burundi, Koofurta Suudaan iyo wax loogu yeero argigixisada.

Waxaa xusid mudan in aanay joogin madaxda Burundi iyo Koofurta Suudaan oo dhibaatada dalalkooda ka jira looga hadlayo.

Goobjoog News