U bood dhigaalka

Khudbadaha Musharraxiinta Guddoonka Baarlamaanka Galmudug Oo Maanta La Dhageysanayo

Sheeko:Dalka

udanayaasha Baarlamanka Galmudug ayaa Saaka oo Khamiis ah u diyaargaroobaya dhageysiga khudbadaha musharaxiinta u tartameysa Guddoonka Baarlamanka Labaad ee maamulka Galmudug.

Arbacadii shalay ayaa la xiray qabashada Araajida musharaxiinta , waxanay Guddiga doorshooyinku shaaciyeen Toddobo musharax oo Saddex ka mid ah ay u taaganyihiin Afhayeenka Baarlamanka, halka Afrta kale ay u tartamayaan ku xigeennada Guddoomiyaha.

Berrito ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamanka Labaad ee Galmudug, waxaana intaasi kadib loo gudbidoono doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.