U bood dhigaalka

Khudbadaha Murashaxiinta Guddoonka Golaha Shacabka Oo La Dhageysan Doono Sabtida Iyo Axadda

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashadan golaha shacabka ayaa  Goobjoog News u xaqiijiyay in araaji qabashada ay soo gabagabeeyeen khamiistii 5tii galabnimo iyaddoo dhageysiga khudbadaha murashaxiinta guddoonka golaha shacabka u qabtey maalmaha sabtida iyo axadda.

Xildhibaan Aden Isaaq Cali oo ah xogheya guddiga dorashada golaha shacabka ayaa sheegey  in keliya ay u hartay in tatamayaasha ay qudbadohooda ay ka hor jeediyaan xildhibanada Barlmaanka Soomaaliya si ay u dhacdo doorashada maalmaha soosocda .

Ilaa 22 murashax ayaa isu diiwaangelisay tartanka guddoonka doorashada golaha shacabka kuwaas oo u kala tartami doona:

4 murashax waxaa ay u taagan yihiin guddoomiyenimada golaha shacabka, 6 murashax oo guddoomiye ku xigeenka koowaad u tartamaya iyo 12 murashax oo isku heysata jagada guddoomiyaha labaad ee golaha shacabka.

Doorashada guddoonka golaha shacabka waxaa ay dhaceysaa maalmaha 11-12 ee bishan Janaayo 2017-ka,

Goobjoog News