U bood dhigaalka

Kiboora Oo Noqotay Meel Loo Dalxiis Tago

Sheeko:Dalka

Xeebta Kiboora ee Magaalada Kismaayo ayaa noqotay goob loo dalxiis tago, waxaa Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha u dalxiis taga bulshada ku dhaqan Kismaayo iyaga oo halkaasi u taga in ay ku soo galaan Sawirro.

Xeebta Kiboore waa buur yar oo garabka ku haysa biyaha badda waxaa ayna leedahay hawo iyo Naycow qabow oo ka imaanaya dhanka Badda.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Kismaayo ayaa u dalxiis taga Kiboora iyaga oo ku qaata waqti badan dad qaar sawirro ay ku galaan halka qaarka kalana ay dabaashaan xeebta.

Sahra Cabdullahi Aadan waxaa ay ka mid tahay dadka u dalxiis taga Xeebta Kibooraha waxaa ay Goobjoog News uga warrantay sida ay u aragto dalxiiska xeebtan.

“Waxaan aad ugu Faraxsanahay in aan xeebtaan imaado Sawirrana ku galo maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayaa imaadaan waxaa halkan waqti kuwada qaadannaa Asxaabteyda”.

Kismaayo ayaa leh afar Xeebood waxaana taga bulshada ku dhaqan magaalada Kiboora ayaa iyadana waxaa ay noqoneysaa Xeebaha loo dalxiis tago oo ku yaalla Kismaayo.

Goobjoog News