U bood dhigaalka

Kismaayo: Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo Dagaalamay

Sheeko:Amniga

Ciidamada kumaandoorska xoogga dalka ee Danab iyo kuwa ka tirsan Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa howlgal wadajir ah waxaa ay ka fuliyeen deegeenno dhaca duleedka magaalada xarunta u ah ee Kismaayo.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu yimid kadib markii la sheegay in Al-shabaab ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen deegaannada Cabdalla Biroole iyo Buulo Xaaji, ciidamada ayaana kadib howlgal wajir ah ku qaaday halkaas.

Ciidamada ayaa la sheegay in wadada xiriirisa Kismaayo iyo deeganadaas in ciidamada ay ka saareen miinooyin lagu aasay wadadada, waxaana si gaar ah uga qeyb qaatay Ururka 5-aad guutadiisa 16-aad ee kumaandooska Danab ee xoogga dalka.

Howlgalkaan ciidamada Danab iyo iyo kuwa Daraawiishta Jubaland ay fuliyeen ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo magaalada Kismaayo xili ay ka socoto doorasha golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad federalka ah ee Soomaaliya.

Goobjoog News