U bood dhigaalka

Kismaayo: Ciidamo Noocee Ah Ayaa La Wareegay Amniga Magaalada ?

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in amniga magaalada ay maanta la wareegeen ciidamo loogu talogalay sugidda amniga doorashada.

Ciidamadan oo 100 askari ah ayaa waxaa hoggaaminaya Ismaaciil Saxardiid oo horay u ahaa taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka, haatanna ah taliyaha ciidanka amniga doorashada Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya iney jidadka Kismaayo sidoo kale joogaan ciidamo booliis ah, oo horay halkaasi uga shaqeynayey.

Dhinaca kale, dad xog ogaal ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in ay magaalada ka baxeen murashaxiinta ay taageerto dowladda federaalka ah, kuwaas oo qaarkood Muqdisho u imaanaya la tashiyo iyo xeelado kale.

Xaaladda amni ee magaalada Kismaayo ayaa caadi ah, waxaana loo diyaar garoobayaa doorashada guud ee August.

Wararka doorashada Jubbaland, kala soco halkan.

Goobjoog News