U bood dhigaalka

Kismaayo: Dhaawacyo La Soo Gaarsiiyay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka aan ka helayno dagaal beeleedka ka socda duleedka magaalada kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta qaar ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay dagaalkaasi la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Qof ka mida ah dadka wax ka soo qaaday dhaawacyada laga keenay Kismaayo laguna magacaabo Abuukar Macallin Maxamed  ayaa Goobjoog News u sheegay in dadka la keenay muqdisho ee qaba dhaawacyada ay gaarayaan ilaa iyo 5 qof kuwaas oo haatan xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Abuukar Macallin aayaa sidoo kale waxa uu inoo sheegay in dagaalka ka soconaya deegaanka Sanjuuni oo ah duleedka Kismaayo ay ku geeriyoodeen 28 qof waxa uuna xusay in wali dagaalku socdo islamarkaana dadku dirartu u dhaxeyso ay ku dagaalamayaan dhul.

Waxaan wali jirin cid kala dhexgashay beelahan ku dagaalamaya duleedka magaalada kismaayo, iyada oo marba marka ka dambeysa uu isi soo tarayo khasaraaha ka dhalanaya dagaalkaasi.

Goobjoog News