U bood dhigaalka

Kismaayo: Dhallinyarada Gawaarida Dhaqda Oo la Siiyey Motooro Shaqadooda Ka Caawiya

Sheeko:Dalka

Dhallinyarada gawaarida dhaqo ee gudaha magaalada Kismaayo ayaa la siiyey Motooro ka caawiya howshooda, maadaama markii hore ay gawaarida dhaqistooda ay u adeegsan jireen gacmahooda.

Siyaad Sheekh Cali waa guddoomiyaha koox dhallinyaro oo dhaqa gawaarida waxaa uu u sheegay Goobjoog News in hadda iyo markii hore ay aad u kala duwanyihiin waxaa uuna yiri .

“Howsheenna hadda ayey aad u wacantahay markii hore oo aan gacmaha ku dhaqi jirnay waxaan kala kulmi jirnay dhibaato badan, hadda balse baabuurkii shan daqiiqo ayaan ku dhaqeynaa “.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda ay dhallinyaradaan  u dhaqaan gawaaridooda oo dhankooda Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in ay ka reysteen xaaladdii hore oo loogu dhaqi jiray gaadiidkooda taasi oo keeni jirtay in ay ka daahi jireen howlahooda.

Axmed Cumar Faarax Gaadiiley waxaa uu yiri “Halkan barwaaqo ayaan ka helnay awal baabuurta waa ay ku dhibanayeen dhaqista baabuurka waxaa ay qaadan jirtay ku dhowaad hal saac, hadda waxaa la helay Motooro lacagtiina waa ay nooga raqiistay”.

Dhallinyarada ku xamaasha dhaqista Gawaarida ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid lagu farxo haddana ay farqi weyn u dhaxeyso xaaladdan iyo tii ay horay ugu shaqeyn jireen.

Goobjoog News