U bood dhigaalka

Kismaayo: Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland Oo Maanta Dhacaysa

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose lagu qabto doorashada guddoonka baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Sida ku xusan jadwalka doorasho ee guddiga doorashada, waxaa maanta la dooran doonaa guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo sidoo kale Labadiisa ku xigeen.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana doorashadan la filayaa iney goob joog ka ahaadaan xubno ka socda beesha caalamka iyo sidoo kale xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa maalmo lagu daray diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Waxaana guddiga uu sheegay in doorashada la qaban doono 22-ka bishan oo ku aaddan maalinta khamiista ah ee soo socota.

Guddiga ayaa arrintan u sameeyey kadib codsi uga yimid beesha caalamka, taasi oo ah in fursad kale la siiyo musharraxiinta kale ee kursigan u taagan.

Goobjoog News