U bood dhigaalka

Kismaayo: Ergooyinka Soo Xulaya Xildhibaannada Oo La Xareynayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose waxaa ka socota qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu xareynayo ergooyinka soo xuli lahaa xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ee ka imaanaya gobollada Jubbaland.

Waxgarad iyo Odoyaal dhaqameed ayaa maalmahan ku qulqulaya xarunta Caymiska Kismaayo, kuwaasi oo soo xuli doona xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa inoo sheegay in maalmaha soo aadan la filayo in guud ahaan laa xareeyo ergada soo xuleysa xildhibaannada.

Dhanka kale magaalada Kismaayo waxaa laga dareemayaa mashquul badan oo ku saabsan musharraxiin u tartamaya Labada aqal oo magaaladaasi ku qulqulaya iyo shirar socda.

Doorashooyinka dadban ee ka dhacaya dalka ayaa guud ahaan loo diyaar garoobayaa, waxaana magaalooyinka ay doorashooyinkan ka dhici doonaan yihiin kuwo aad u mashquul ah.

Goobjoog News