U bood dhigaalka

Kismaayo: Guddoomiye Abshir Axmed iyo Wafdigiisa ayaa Tagay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda dowlad gobaleedka Jubbaland gaaray wafdi balaaran uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed, oo ay ku jiraan qaar kamid ah Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdigan ayaa ku biiray madaxda maamul goboleedyada, kuwa xisbiyada iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeybgaleysa caleema saarka madaxwenaha Jubbaland Axmed Madoob oo lagu wado in Kismaayo lagu qabto.

Sidoo kale mas’uuliyiinta dowlad gobaleedka Jubbland iyo wufuuddii horay u gaartay magaalada ayaa wafdiga gaaray Kismaayo ku soo dhaweeyay garoonka diyaarada ee Sayid Maxamed Cabbdulle Xasan ee magaalada Kismaayo.

Dhan kale mudane Abshir Axmed waa mas’uulkii ugu sareeyey dowladda federaalka ah ee taga Kismaayo tan iyo markii ay isku dhaceen maamulka iyo dowladda, waxaana lagu wadaa in ka qeyb galkiisa iyo mudanayaasha kale ee labada aqal direyso dhambaal ah in Jubbaland ay mushkilad kala dhaxeyso laanta fulinta ee dowladda federaalka ah.
Goobjoog News