U bood dhigaalka

Kismaayo: Kulammadii Maanta Ee Guddoomiyaha Xisbiga UPD

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga midowga nabadda iyo horumarka(UPD)  Xasan Sheekh Maxamuud oo isniintii gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa maanta kulan la qaatay wasiirrada iyo xildhibaannada dowlad goboleedka Jubbaland.

Qodobada ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa xaaladda dalka, daadejinta maamulka ilaa heer degmo, howlaha dowlad goboleedka Jubbaland, wasiirrada dhankooda ayaa sheegay in sharciga deegaanka uu diyaar yahay, isla markaana, marka la ansixiyo la bilaabi-doono in la hirgeliyo iyada oo laga bilaabi-doono Gedo.

Xasan Sheekh waxuu booqasho ku tagay dekedda magaalada Kismaayo oo ay ka socotay shaqo aad u badan, isaga oo sidoo kale soo kormeernay dhismooyin cusub oo loo diyaarinayo qaar ka mid ah wasaaradaha dowlad goboleedla Jubbaland.

Guddoomiyaha  UPD  waxaa uu galabta la fadhiyaa odoyaasha dhaqanka ee Jubbland isaga oo caawa si toos ay dadweynaha reer Jubbaland su’aalo u weydiin-doonaan, lana yeelan-doono kulan xog isweydaarsi ah.

Mudane Xasan Sheekh waxaa socdaalkiisa ku wehliya Xildhibaanno golaha shacabka ah sida Axmed Macalin Fiqi iyo Xasan Yare iyo Senatorro ay ka mid yihiin: Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto.

Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay sidii uu guddoomiyaha isbaheysiga UPD ula kulmi lahaa mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Jubbaland, waxaana laga yaabaa inay qaadato wax ka badan 4  maalin.

Xisbiga UDP, waxaa lagu dhawaaqay October 4, 2018, Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Goobjoog News