U bood dhigaalka

Kismaayo: Maamulka Iyo Bulshada Oo Ka Arrinsanaya Xaqiijinta Amniga

Sheeko:Dalka, War

Kulan ay soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka jubbada hoose,  kuna saabsanaa sidii loo xoojin lahaa ammaanka maamulka ayaa lagu qabtay Kismaayo.

Kulnaka oo ay ka qeyb-galeen qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii deegaannada ka maqan maamulka Jubbaland loo soo gelin lahaa gacantooda iyo sidii guud ahaan loo xaqiijin lahaa amniga deegaannada Jubbaland.

Ugaas Cumar Xiirey oo ka mid ah waxgaradka ka qeyb-galay kulankan  oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in kulammada ceynkaan oo kala ah loo baahnaa in mar hore la qabto si loo xaqiijiyo amniga, isaga oo yiri“Waxaa la filayaa in ay bilowdaan howlgallo cusub oo amniga lagu xaqiijinayo , go’aanka ka soo baxay kulanka waxaa noqday in la dardar-geliyo nidaamka iyo dowladnimada maamulka Jubbaland”.

Guddoomiyaha Jubbada hoose Cabdirashiid Cabdullahi oo kulanka soo xiray ayaa waxaa uu sheegay in odayaasha dhaqanka ay yihiin udub-dhexaadka bulshada ayna ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta amniga.

“Odyaasha waa laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed waxaan sidoo kale kawada hadlanay ilaalinta dhaqanka iyo odayasha ka qeyb qaataan sugidda amniga deegaannada jubbaland”.

Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa maalmihii dambe waxaa ay wadeen kulamo ay la qaadanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaa uuna qorshuhu yahay in deegaannada ka maqan gacanta maamulka dib loo hanto.

Goobjoog News