U bood dhigaalka

Kismaayo : Madaxda Soomaalida oo Ka Hadlay Aayaha Dalka

Sheeko:Dalka

Xafladdii caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa ka qeybgalay inta badan madaxda Soomaaliya, waxaana si weyn looga hadlay midnimada Soomaaliya iyo sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka.

Waxa ay ahayd markii ugu horeysey oo ay hal madal ku kulmaan dhamaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ka dhisan iyo madaxda sare ee dowladda federaalka ee fulinta marka laga reebo guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.

Sidoo kale waxaanan meesha ka maqneyn dhamaan wadamada dariska oo iyagu ay ciidamo nabad illaalin ah ka joogaan dalka marka laga reebo Yemen oo dhanka badda daris ka ah Soomaaliya. Waxay kala yihiin Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia oo uu ka socdey wasiirka arrimaha dibada Tedros Adhonom.

Dalka Kenya waxaa ka socdey hoggaamiyaha xisbiga aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo markii uu xafladda ka hadlay yiri “Danteena kaliya ee aan halkani ka leenahay waa hal, taasina waa Soomaaliya oo nabadgalyo ah, waxaanan garab istaagaynaa cid kasta oo oo gacan ka geysanaysa sidii Soomaaliya taas u gaari lahayd”. Aadan waxa ay u ahayd markii ugu horeysey oo uu Soomaaliya yimaado.

Sidoo kale waxaa madasha joogey Yuusuf Xaaji oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Kenya, horeyna u ahaa wasiirka gaashaandhigga Kenya xiligii ciidamada dalkaasi ay soo galayeen Soomaaliya, waxa uu madaxda Soomaalida la wadaagay fariin gaar ah “Sharaftii Soomaaliya soo celiya ayaan idin leeyahay, madaxdiina ka dambeeya,nin kasta madaxweyne ma noqon karo, hal ayuunbaa madaxweyne ah, madaxweynaha jooga fursad ha la siiyo, isaga ayaa madaxda aduunka kala bartay, ee fursad hala siiyo”.

Wuxuu sheegey in barigii hore Soomaaliya ay sharaf lahaan jirtey, iyada oo xitaa marka dumarka la guursanayo ay codsan jireen in maro buluug ah loosoo gado, haddii kale aanan lala aqal gali doonin.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa isna ahaa martida ugu xiisaha badan ee halkaasi joogay marka laga hadlayo xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira, sababtuna ahayn in maamulkiisa sharci ahaan ay muran ka keeneen Jubbaland iyo Puntland maadaamaa lagu saleeyey hal gobol iyo bar, taasi oo ka duwan waxa uu dastuurka dhigayo oo ah labo gobol iyo ka badan.

Cabdikariim oo ogaa halkii ay kasoo bilaabatay Jubbaland, qeybna ka qaatay wadahadaladii Jubbaland lagu dhisey ayaa yiri “Aniga waxaan ahaa qofkii ugu soo laalaabasho badnaa Kismaayo markii aan ahaa wasiirka arrimaha gudaha, waxayna ahayd xaalad kala guur ah oo aad xasaasi u ah, dowladda federaalka iyo Jubbaland-ba waxa ay xaaladaasi uga baxeen si xikmad ah, federaalkana haddii dhiniciisa wanaagsan la eego waa mid nacfi leh” .

In ay hal madal ah wada joogeen dhamaan maamul goboleedyada oo ay xurguf u dhaxaysay ayaa waxa ay dad badani galisey rajo ah in la’isu soo dhawaanayo, midnimadana la hiigsanayo.

Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay xafladda caleemo-saarkiisa ayaa isaga ka shanqariyey muhiimadda ay leedahay midnimada iyo madaxda Soomaalida ay ka tashanadaan aayaha Soomaaliya, wuxuuna ka yiri “Suurtogal ma ahan in dowladaha dariska iyo AMISOM iyo ciidamo maalin kasta la yiraahdo ciidamo ayaa la badalayaa iyo kuwa ayaa la keenayaa in aan kusii jirno, waa in aan aayaha Soomaaliya ka tashano” “Waxaa xaqiiq ah haddii aanan anaga tashanin in cid kasta oo wax na tartaa ay maalin uun daali doonto” .

Wuxuu sheegey in wadamada dariska iyo beesha caalamkaba ay ka daali doonaan caawin Soomaaliya maalin uun , sidaasi darteedna wuxuu codsaday in inta ay goori goori tahay ay Soomaalida si dhab ah u tashato, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay madaxdooda adeecaan, lana shaqeeyaan.

Xagga Jubbaland ayuu sheegey in baahi badan ka jirto, waxyaabaha uu qaban doonana ay ka midyihiin adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo waliba amniga, isaga oo sheegey in xitaa caasimaddii uu ku shaqayn lahaa maamulka Jubbaland ee Bu’aale ay heystaan Alshabaab.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa bogaadin kadib waxa uu madaxweynaha Jubbaland ugu baaqay in dadka cabashada qaba uu qanciyo “Madaxweynaha Jubbaland waxaan leeyahay waxaa loo baahanyahay in dadka la mideeyo, iskana dhex arkaan illaa inta laga gaarayo qof iyo hal cod oo ah halka aan u socono”.

Mas’uuliyiintii beesha caalamka iyo wadamada dariska ayaa ku booriyey madaxda Soomaalida in ay la yimaadaan biseyl siyaasadeed, Soomaaliyana ka dhigaan meel xasiloon oo barwaaqo ah.

Goobjoog News