U bood dhigaalka

Kismaayo Oo laga Dareemayo Qiimo Koror Ku Yimid Shidaalka

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo waxaa laga dareemayaa sare u kac dhanka Shidaalka ah caqabaddaan ayaa hadda waxaa ay soo wajahday gaadiidleyda ku dhaqan Kismaayo.

Ganacsatada Shidaalka ayaa sheegaya in Shidaalka laga keeni jiray wadanka Imaaraadka Carabta balse uusan dhowaanahaan uusan imaanin Shidaal Magaalada Kismaayo ee xrunta Jubbada Hoose.

Ganacsatada ayaa arrinkan u sababeeyay dabeylaha ka socda bad weynta Hindiyaha maadaama lagu jiro xilliga bad xiranka.

Fuustada Shidaalka ah ayaa waxay mareysaa qiimo dhan 200-250 doolar, halka Jirgaankii uu marayo 22 doolar tobankii Liiter ayaa waxaa asna uu marayaa qiimo dhan 11 doolar, waxaana arrintaasi ay culeys ku noqotay gaadiidleyda.

Faarax Cabdullahi oo ka mid ah wadayaasha gaadiidka ee sugan Kismaayo ayaa Goobjoog News u sheegay inay ka cabanayaan qiimo kororka ku yimid Shidaalka.

“Waxaan ka cabaneynaa shidaalkoo oo kacay markii hore waxaan ku gadan jirnay afar doolar iyo bar hadda waxaa uu marayaa lix doolar “.

Magaalada Kismaayo ayaa aad waxaa ugu soobadanaya gaadiidka raaxada waxayna hadda ka cabanayaan gaadiidleyda qiimo kororka ku yimid shidaalka.

Goobjoog News