U bood dhigaalka

Kismaayo Oo Laga Soo Musaafurinayo Saraakiil NISA Ah

Sheeko:Amniga

Maamulka Jubbaland ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose kasoo musaafurinayaan saraakiil ka tirsan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA.

Hay’adaha amaamnka Jubbaland ayaa shalay waxa ay garoonka Kismaayo ku qabteen Cali Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim oo la sheegay iney kala ahaayeen taliye iyo ku xigeenkiisa oo dowladda federaalka u magacawday Jubbaland.

Sida wararka ay sheegayaan waxay saraakiishan xalay ku hoyden xarun ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin Garoonka Kismaayo, iyaga oo saakayna loo soo celinayo magaalada Muqdisho.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay usoo celinayaan saraakiishan ay tahay inaan wax talo ah laga gelin markii hore ee lasoo magacaabayey.

Horey Jubbaland waxay Kismaayo uga soo celisay taliyahii qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka, wallow markii dambe xal laga gaaray.

Goobjoog News