U bood dhigaalka

Kismaayo Oo Lagu Soo Bandhigay Shaqsi Ka Tirsanaa Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose waxa ay kusoo qabteen shaqsi la sheegay inuu ka mid ahaa Al-shabaab.

Shaqsigan oo magaciisa ku sheegay Ibraahim Lujenda Maxamed ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wuxuu Ibraahim sheegay in markii lasoo qabanayey uu baxsad ka ahaa Al-shabaab, kana soo baxsaday xabsi uu ku jiray, balse saraakiisha xoogga dalka ayaa sheegaya inuu sahan Al-shabaab ah ahaa.

Maxamed Bedel Xasan, Taliyaha guutada 11-aad, qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa isna dhankiisa sheegay in Ibraahim xogtiisa hayeen, islamarkaana sidaasi lagu soo qabtay.

Wuxuu tilmaamay in Ibraahim uu qaabilsanaa dhanka sahanka, kana tirsanaa dagaalyahannadii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Ceel-cadde.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab iney isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana cafis loo fidin doono.

Goobjoog News