U bood dhigaalka

Kismaayo: Sare U Kac Laga Dareemayo Qiimaha Khudaarta

Sheeko:Dalka

Sare u kac dhanka khudaarta ah ayaa laga dareemayaa Suuqyada magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose,waxaa ayna saameyn ku yeelatay arrintan dhaqdhaqaayada Suuqyada iyo wax ka iibsigooda.

Qiimo kororka ku yimid Khudaarta ayey sheegeen ganacsatada in ay sabab u tahay abaarta iyo roob la’aanta ka jirta deegaannada maamulka Jubbaland.

Ganacsatada ayaa waxaa ay sheegeen in qiimaha Liin-dhanaanta ay sare u kacday iyada oo markii hore saddexdii xabo la iibin jiray kun Shilin, halka hadda la iibiyo xabaddii Liin-dhanaanta ah lacag u dhiganta kun Shilin iyo Shan baqol.

Nuucyada kale ee khudaarta ee laga dareemayo qiimo kororka waxaa ka mid ah Asalaatada oo horay loo iibin jiray labo kun oo Shilinka Soomaaliga ah hadda waxaa la iibinayaa Suuqyada Kismaayo qiimo dhan 6 kun oo Shilin.

Sare u kaca qiimaha Khudaarta waxaa uu saameyn dhaqaale ku yeeshay ganacsatada nolol maalmeedkooda ka heli jiray ka ganacsiga Khudaarta.

Goobjoog News