U bood dhigaalka

Kismaayo: Wasiirrada Maaliyadda Oo Ka Hadlaya Shir-ka Mideynta Canshuuraha

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland ka furmay madasha wada-xaajoodka arrimaha maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda oo furay shirka ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in uu maanta si rasmi ah u furmay shirkaas.

“Waxaa saaka magaalada Kismaayo noogu furmay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Gobaleedyada taas oo ah horumarinta dhaqaalaha iyo canshuuraha so gela sidii kor loogu qaadi lahaa” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Shirka ayaa u dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda ee maamul goboleedyada dalka, waxaana shirka uu ku saabsan yahay mideynta canshuuraha, kobcinta dhaqaalaha iyo dakhliga dalka.

Wasiirada maaliyadda ee dowaladda federaalka iyo maamul goboleedyada Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa laba mar oo hore sidan oo kale ugu kulmay magaalada Garowe iyadoo kulamadaasi ay kasoo saareen qodobo ay isla garteen labada dhinac.

“ Waxaa maanta sharaf weyn noo ah hadaan nahay maamul goboleedka galmudug inaan ku qabano shirkii looga hadlayey horumarinta maaliyadda iyo mideynya canshuuraha ee Soomaaliya, shirkaan waa kii saddexaad oo nuucaan oo kale ah waxaana ka horreyay kuwii muqdisho iyo garoowe uuna heshiis dhaxal gal ah uu ka soo baxay”.

Goobjoog News