U bood dhigaalka

Kismaayo: Xeryaha Barkacayaasha Oo Laga Sheegayo Dhibaatooyin Banii’aadnimo

Sheeko:Dalka

Qoysas barakacayaal ah oo bilhii lasoo dhaafay ku sugnaa duleedka xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka cabanayaan xaalado bani aadanimo oo isbiirsaday kuwaas oo ay ugu horeeyaan nolol xumo xagga caafimaadka, waxbarasho iyo biyo la,aan iyo dhibaatooyin kale.

Waxaa jira goobo waxbarasho xagga qur’aanka ama Maadiga lagu dhigo balse ay Macaliinta ka cabanayaan dhibaatooyin.

Iidle Cumar oo ah gudoomiyaha xeradan feer sagaaro ee duleedka magaalada Kismaayo  gaar ahaan xaafada Calanleey  ayaa Goobjoog News u sheegay in xerada ay ka jiraan xaalado banii’aadnimo oo xagga caafimaadka, waxbarasho iyo biyo la,aan iyo dhibaatooyin kale.

Haweenka halkan degan ayaa ah kuwa inta badan ku dadaala sidii ay u maarayn lahaayeen noloshooda iyo mida qoyska iyagoo gudaha magaalada Kismaayo  ka qabta shaqooyin yaryar oo ay ka helaan dhaqaalo aan ku filnayn.

Haseyeeshe waxay goobjoog u sheegeen inay ku dhib qabaan biyaha iyo hooy la,aanta iyadoona haatan la galay xiliyadii roobabka.

Si kastaba ha ahaatee barekacaaya ku sugan magaalada kismaayo ayaa ku dhib qaba nolosha aasaasiga ah iyagoona dawalada iyo hayadaha samafalka ka codsaday inay gargaar bani aadanimo lasoo gaadhaan.

Goobjoog News