U bood dhigaalka

Knesset-ka Israel oo Meel Mariyay Mashruuc Sharci oo Deegaanno Cusub looga Dhisayo Dhulka Falastiin

Sheeko:Dalka

Knesset-ka Israel ayaa meel mariyay mashruuc sharci oo lagu dhisayo Kumanaan Unug-deegaan Daanta-galbeed ee Falstiin.

Qaanuunkan ayaa ah mid lagula wareegayo dhul cusub oo Falastin ah, Israel ayaana markii ugu horreysay qaanuunkeeda madaniga ah ka hirgelinaysa Daanta-galbeed oo ah dhul loo aqoonsan yahay inuu yahay mid  falastiin ay leedahay.

Sharcigan ayaa waxaa walaac ka muujiyay bulshada caalamka oo ku tilmaamay inuu yahay mid god dheer ku sii ridaya nabad ka dhalata Bariga dhexe.

Nikola Mladenov oo ah ergayga Qaramada Midoobay ee Bariga dhexe ayaa walaac ka muujiyay sharcigan cusub ee ay meel mariyeen Knesset-ka Israel, waxa uu  ku tilmaamay mid sahlaya in si fudud loo qaato dhulka Falastiin, qaanuunka dowliga ahna aan waafaqsaneyn.

Ururka xoreynta Falastiin ayaa bayaan uu soo saarey ku tilmaamay sharcigani inuu yahay mid lagu burburinayo fursad kasta oo nabad lagu gaari lahaa laba dowladood oo is garabyaallana loo sameyn lahaa.

Dhanka kale, war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Falastin ayaa lagu cambaareeyay sharcigan cusub, gaashaankana loogu daruuray inaanuu ahayn mid ka hirgalaya dhulka Falastin.

Golaha ammaanka ayaa 23, December, 2016 go’aan ka soo saaray degaannada cusub ee Israel ay ka dhisaneyo dhulka Falastin, iyadoo lagu amray in gabi ahaanba la joojiyo.

Goobjoog News