U bood dhigaalka

Kofi Annan Oo Geeriyooday

Sheeko:Caalamka

Waxaa la sheegay in uu geeriyooday daqiiqadihii la soo dhafay xoghayihii qaramada Midoobay Kofi Annan .

Annan ayaa ahaa 80 sano jir waxaa uuna noqday xoghayaha todobaad ee qaramada Midoobay sidoo kale waxaa uu ahaa Afrikankii ugu horreeyay ee jagadaasi qabtay 1997-2006.

Kofi Annan ayaa ahaa Diblomaasi u dhashay waddanka Ghana waxaa uuna ka mid ahaa shaqaalaha ugu caansan ee ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay isaga oo soo noqday Xoghayaha todobaad ee Qaramada Midoobay.

Annan ayaa 8 April 1938 ku dhashay Magaalada Kumasi ee dalka Ghana waxaa uuna ku guuleystay sanadkii 2001 biladda Nabadda Nobel Peace taasi oo uu ku muteystay dadaalkiisa ahaa dhanka nabadda.

Goobjoog News