U bood dhigaalka

 Komishinka Doorashooyinka Somaliland oo Dhaqaale Yari Xooggan ay Soo Waajahaday

Sheeko:Dalka

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa kala direy shaqaalihii muhiimad weyn u lahaa howshooda wax qabad arrimo lagu sheegay dhaqaale yari darteed.

Ma jirto warar rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca guddiga Komishanka balse  qaar ka tirsan xubnahan shaqaalaha ahaa ee la kala diray oo warbaahinta qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in dhaqaale darro darteed guddigu shaqadii uga joojiyeen.

Komishanka ayaa shalay iskugu yeeray illaa 20 xubnood oo madax ka ah laamaha kala duwan ee fulinta hawsha doorashooyinka, kuwaasi oo ay ku war galiyeen in aan loo hayn wax mushahar ah waxii ka dambeeya bishan, sidaasi darteed-na ay fasax ahaadaan illaa inta laga helayo dhaqaale ka filan oo howshooda ay dib ugu bilaaban karaan.

Waxa kale oo guddiga Komishanku kala direen hawl wadeenadii tobabarka shaqaalaha bixin jirey oo tiradoodu dhamayd 35 shaqaale ah, kuwaas oo ku hawllanaa fulinta hawshii cuslayd ee diiwaangalinta.

Madaxa laamaha ay saamaysay kala diristani ayaa waxa kamid ah sida wararku sheegay; waaxda shaqaalaha hawlgalinta ,waaxda tababarka saadka  (Logistics) maamulka howlalaha  kaydka,sharciga wacyigelinta saxaafadda, amniga, farsamada, xidhiidhka, kormeerka, hantidhawrka, IT-ga . tan ayaa ka dhigan in shaqaale muhiim ah meesha laga saaray.

Dadka qaar ayaa u sababaynaya arrintan kala qaadistii labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiillada oo dhawaan baarlamaanku ansixiyeen in la kala qaado dibna loo dhigo tan golaha wakiillada sidaasina ay ku raacday maxkamadda sare ee Somaliland.

Kala qaadistaas labada doorasho ayaa xaalad adag gelisay xidhiidhkii Somaliland iyo wadamada reer galbeedka ee dimuqraadiyeenta ka shaqeynayay.

Xukuumadda Somaliland ayaa marar badan ku celcelisay iney ka adag tahay bixina karayso dhaqaalaha ku baxaya hawlaha doorashada, hadiiba ay dhacdo in qaaraan bixiyayaashu diidaan in ay Somaliland ka taageeraan qarashaadkii doorashada ku baxayay.Laakiin waxa muuqata in guddiga doorashadu taas ka waayay xukuumadda sidaas darteedna dib uga fadhiistay qabyo tirka hawlaha baaxadda leh ee laga sugayo.

Goobjoog News