U bood dhigaalka

Koobka Qaramada Qaaradda Afrika ee Kubadda Cagta 2017 oo Ka Furmay Dalka Gabon

Sheeko:Dalka

Sabtidii waxaa dalka Gabon ka furmay koobkii kubadda cagta ee Qaramada Qaaradda Afrika ee 2017 oo ku furmay kulan ay iskaga hor yimaaddeen dalka martigeliyaha ah ee Gabon oo la ciyaartay Guinea-Bissau ee caasimadda Gabon ee Liberville.

Koobkan oo ah kii 31-aad ee qaramada qaaradda Afrika ayaa soconaya illaa 5 Febraayo, waxaa ka qeybgalaya 16 xul oo ku soo baxay isreebreebkii qaaradda ee hordhaca kooban Afrika ah kan ugu qiimaha weyn.

Koobkan ayaa ku billowday xaflad furitaan ah oo aad u heer sarreysa oo lagu qabtay caasimadda Liberville, waxaa ka soo  qeybgalay xafladda madaxda ugu sarreysa kubadda cagta Afrika oo uu hoggaaminayo Issa Hayatou iyo madaxweynaha kubadda cagta dunida ee FIFA Gianni Infantino, iyo shakhsiyaad siyaasi ah iyo kuwo kale oo caalami ah.

Koobkan Qaramada Qaaradda Afrika ee kubadda cagta waa koob uu nidaamiyo ururka kubadda cagta Afrika ee CAF labadii sanaba mar, waxaana ciyaara koobkan kooxa ku soo baxa isreebreeb hor dhac ah oo loo sameeyo guud ahaan waddama qaaradda, waana koobka saddexaad ee dunida marka laga reebo koobka adduunka iyo kan midowga Yuru ee Euro, koobka ayaa lagu aasaasay sanadkii 1957, dowladdii ugu horreysay ee martigelsaa waxay ahayd Suudaan.

Goobjoog News