U bood dhigaalka

Koofurta Suudaan: 1.8 Milyan Oo Caruur Oo Didbad Joog Ka Ah Waxbarashada

Sheeko:Dalka

Hay’adda UNESCO ee u qaabilsan qaramada midoobay dhaqanka barbaarinta iyo waxbarashada ayaa waxaa ay sheegtay in dagaalka sokeeye ee ka socda Koofurta Suudaan uu ku qasbay ku dhawaad 1.8 milyan oo caruur ah in ay noqdaan waxbarasho la’aan kuwaas oo goobaha waxbarashada ka ah dibad joog.

Hay’adda ayaa waxa intaasi ku dartay in heerka aqoon la’aanta Koofurta Suudaan ay gaartay boqolkiiba %73,inkastoo oo ay jiraan dadaallo ay ku bixiyeen dowladda iyo hay’adaha caalamiga in dalkaasi lagu fidiyo waxbarashada hadana in badan oo ka mid ah dadaaladaas laguma guuleysan.

Cumar Calaami oo u dhashay dalka Qatar kana tirsan hay’adda UNESCO ayaa waxaa uu sheegay isaga oo ka hadlayey munaasabadda maalinta dabar-goynta jahliga ayaa tilmaamay inay jiraan qorshe iyo barnaamijyo ay wado hay’adda iyada oo kaashaneysa mas’uuliyiinta dowladda si waxbarashada looga dhigo muhiimadda koowaad.

Mas’uulkaan ka tirsan hay’adda ayaa hoosta ka xariiqay inay waxbarashadu tahay furaha koowaad ee nabadda iyo horumarka.

Boqolkiiba %69 macalimiinta dalkaasi ma heystaan shahaadooyin Jaamacadeed waxaana la sheegaa in macalimiinta haysata shahaadooyinka jaamacadda ay gaarayaan boqolkiiba %4,halka inta kale macalimiinta ay heystaan shahaadooyinka dugsiga sare.

Dowladda Koofurta Suudaan taasi oo ka go’day suudaanta kale sanadkii 2011 kii ayaa waxay ladaalo dhaceysaa dagaallo sokeeye oo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka,waxaana ku dhintay dad gaaraya kumanaan kun halka ay barakaceen boqolaal kale .