U bood dhigaalka

Koofurta Suudan Oo Codsi Xubinnimo U Dirsatay Ururka Jaamacadda Carabta

Sheeko:Caalamka

Dowladda Koofurta Suudaan ayaa codsi u gudbisay ururka Jaamacadda Carabta si ay xubin uga noqoto, sidaasi waxaa laga soo xigtey ilo diblomaasiyadeed oo dhanka ururka Jaamacadda ah.

Ilo wareedyadan diblomaasiyadeed ayaa waxaa ay intaasi ku dareen in dowladda Koofurta Suudaan ay codsigan u soo gudbisay shalay Talaadadii, waxa ayna sheegeen Golaha Ururka Jaamacadda oo maanta oo Arbaco ah yeelanaya kulanka wasiirada arrimaha dibadda wareegeesi 149-aad in uu ka dhacayo xarunta Jaamacadda ee Qaahira.

Ilaa iyo hadda war rasmi ah kama soo bixin ilo wareedyada Diblomaasi oo caddaynaya arrinta ku saabsan damaca ay Jubba ku doonayso inay ugu biirto Jaamacadda Carabta.

Dowladda Koofurta Suudaan ayaa ka go’aday Suudaanta  kale 2011-kii, ka dib markii loo qaaday Afti dadweyne, maalmo ka dib markii ay go’day Suudanta Koofureed, waxaa ay sheegtay Jaamacadda Carabtu in ay ku soo biiri karto ururka maaddaama oo ay buuxisay shuruudaha u yaalla ururka oo ah in dowladda ku biireysa ay ku hadasho Afka Carabiga.

Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir oo sanadkii 2016-kii ka hadlayey Telefishinka ayaa waxa uu sheegay in Carabtu ay rumeysan yihiin in dalka Koofurta Suudaan uusan jecleyn in uu sii ahaado dowlad Carbeed maadaama ay  ka go’aday Suudaanta kale.

Salva Kiir ayaa intaas ku daray in weli aysan ku fakarin dowladdiisa in ay ku biirto Ururka Jaamacadda Carabta waxa uuna yiri “ Haddii aan ku fakarno in aan ku biirno ururka Jaamacadda nama aqbalayaan?, waxaan ka labalabeynaa ama aan ka shakisannahay in Ururka JaamacaddU uu aqbalayo xubinnimadeenna”.

Goobjoog News