U bood dhigaalka

Koonfur Afrika Oo Maanta Fariisaneysa Golaha Aammaanka Iyo Haysom Oo Is Difaacaya

Sheeko:Dalka

Dalka Koonfur Afrika ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah ugu fariisto kursiga xubnaha aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka qaramada midoobey kadib markii loo doortay 1-dii Janaayo 2019-kii, waa markii 3aad ee South Africa golahan  ka mid noqoto.

5 dal ee ku soo biirtay xilligan cusub , waxaana ka mid ah: Dominican Republic, Belgium, Germany iyo Indonesia, waxaa ay xubin ka sii ahayaan-doonaan 2019-2020.

Xubinnimada Koonfur Afrika ee Golaha ammaanka aya ku soo aadeysa xilli Soomaaliya laga ceyriyey diblomaasiga dalkaasi ee Nicholas Haysom, waxaa uu ahaa ergeyg u ahaa xogheyaha guud ee qaramada midooby ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Nicholas Haysom ayaa galabta lagu wadaa inuu hortago golaha ammaanka si uu isaga difaaco eedeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aadan inuu ku xad-gudbay maxabannaanida dalka.

Goobjoog News