U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed: Laftagareen Oo Ka Hadlay Howlgallo Amniga Oo Bilaabaya

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Maxamed Laftagareen ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur galbeed in qof waliba dhinaciisa uu xil iska saaro ammaanka, waxaa uuna sheegay in dhowaan ay bilaabanayaan howlgallo la is kugu furayo magaalooyin Muqdisho iyo Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen oo ku sugnaa maalmahaan magaalada Muqdisho ayaa xusay in madaxda dalka uu kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgalka, loona baahan yahay in shacabka reer Koonfur galbeed ayagu ay hoggaan ay u noqdaan holwgalkaas waxaa uuna yiri” Marka ugu horeeyo sidii qorshaha amniga loo bilaabi lahaa ugu danbeyna howlgalladu ay u bilaaban lahaayeen sida aad uwada joogtaana aan idiin kugu sheego, Koonfur galbeed dadkeeda iyo deegaanadeeda waa dad  fiican oo sharaf leh oo dad dowladeed ah oo isku kalsoon waaye, culeyska iyo caqabadda heysato maanta Shabaab waaye”.

Madaxweyne Laftagareen ayaa hadalkiisa ku daran in dadka Koonfur galbeed la rabo in  qof waliba qeybtiisa uu ka qaato ammaanka deegaanda Koonfurgalbeed iyo howlgalka lagu furayo wadada u dhaxeyso Baydhabo iyo Muqdisho, oo dhibaato badan ay ka taagan tahay waxaana halakiisa ka mid ahaa “ Hay’adaha amniga, xildhibaanada , ururada bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa inaad ka qeyb qaadataan sidii la isku  firi lahaa deegaanada Koonfurgalbeed  oo aan howlgal aan u bilaabi laheyn, rajo fiicanna waan ka qabnaa meel fiican ayeey mareysaa”.

Dhanka kale madaxweyne Lafta gareen ayaa sheegay in loo baahan yahay is xilqaan amni in ay la yimaadaan dadka reer Koofur galbeed waxaana uu yiri” Muqdisho waxaa ka socda wax la yiraahdo isxilqaan oo dib loogu dhisaayo, annaga waxaan u baahan nahay inuu isxilqaankeenu noqdo mid amni oo nin kasta oo mas’uul ah uu isxilqaamo, oo ay wasiirada iyo xildhibaanada ay noqdaan kuwa hoggaanka u noqdaan dadka amniga ka shaqeeyo”.

Ugu danbeyn Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koofur galbeed Cabdi casiis Maxamed Laftagareen ayaa rajo fiican waxaa uu ka muujiyay in dhowaan la bilaabo howlagalada lagu xoreynayo deegaanada Koofurgalbeed iyo in la furo wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Baydhabo wuuna yiri”safarka aan ku taganay Muqdisho waxaan kula kulanay madaxda sare ee dalka  qorshaha amni oo noowada socday ayaan ka wada hadalnay meel fiican ayaana wax noogu soo dhamaadeen, dhawaan ayaana rajo ka qabaa inay bilaawdaan howlgallada”

Goobjoog News