U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed: Mukhtaar Roobow Iyo Taliyihii NISA Oo Noqday Murashaxiinta Rasmiga Ah

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed  ayaa maanta shahaadada diiwaan-gelinta siiyey Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, isagoo noqday musharaxii u horeeyay ee la siiyo shahaadada musharaxnimo.

Guddiga doorashada ayaa xaqiijiyay in Mukhtaar Roobow uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ee Musharaxnimo, sidaas darteed uu hada yahay Musharax rasmi ah.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sidoo kale u fasaxay Mukhtaar Roobow inuu u tartami karo doorashada Madaxweynaha, maadaama uu yahay muwaadin ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana aanay jirin dambi loo heysto oo ay Maxkamad xukuntay.

Dhinaca kale, Waxaa isna warqadaha aqoonsiga murashaxnimo laga qabtay taliyihii NISA  Mudane  Xuseen Cusmaan Xuseen .

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa October 13, 2018, iska casilay xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya  (NISA) ,isagoona warqadiisa iscasillaada u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News