U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed Oo Ka Soo Horjeestay Ka Qeyb-Galka Tartanka Degmooyinka 2020

Sheeko:Cayaaraha

Wasaaaradda Dhallinyarada & Cayaaraha Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in degmada Afgooye aysan ka qaybgali karin tartanka kubbadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir,ka dib markii isku aadka tartanka degmooyinka la sameeyay dhawaan ay ka soo muuqdeen Balcad iyo Afgooye.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada waxa uu sheegay sidan “Waa ayaaan darro iyo iska horkeen Bulsho in Degmada Afgooye lagu darro isku aadka tartanka Degmooyinka Muqdisho,Maamulka Banaadir horay waxa uu u sameeyay dhacdooyin la xiriira Sohdimaha labadda Gobol oo aan weli indhaha ku heyno””

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax Najax oo la hadlay Goobjoog ayaa yiri “Waa ayaaan darro iyo iska horkeen Bulsho in Degmada Afgooye lagu darro isku aadka tartanka degmooyinka Muqdisho,Maamulka Banaadir horay waxa uu u sameeyay dhacdooyin la xiriira Sohdimaha labadda Gobol oo aan weli indhaha ku heyno”

Sidoo kale Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiisha ayaa isna goor horay shaaciyay in degmooyinka Balcad iyo Afgooye ay sanadkan qeyb ka yihiin kooxaha ka qeyb galaya tartanka kubbadda cagta Degmooyinka 2020 waxaana tartanka difaacanaya kooxda Dharkenlay.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle