U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed oo War ka Soo Saartay Howlgalka ka Socda Awdheegle

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) ayaa Shir gudoomiyey Shirka Khamiis laha ay yeeshan Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka KG Todobaadka Shirka Waxaa looga Hadlay Arimaha Amaanka Dhaqaalaha Iyo Siyaasada,

Warbixin ku aadan Amniga Waxaa laga Dhegeystay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Isaaq Baarow Isaaq,waxaana uu ka Warbixiyey Howlgaladii ugu dambeeyey ee ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose kaasi oo la dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Waxaa Hindise Sharciyeed Soo Gudbisey Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib udhiska KG iyadoona Hindisaha Golaha Wasariirada u aqriyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib udhiska Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa sidoo kale waxaa laga Dhegeystay Warbixin ku aadan Habsame usocodka Shaqada iyo Shaqaaleysiinta Bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed Somaliya Waxayna Muujiyeen Shaqaalaysiinta Bulshada in Haatan ay Tahay Mid ku Salaysan Cadaalad,

Dhanka kale Golaha Wasiiradd ayaa amaaney Habsami socodka Shaqaaleysiinta kuna dhiira giliyey Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Raydka sida quruxda badan uu ugu shaqeynayo shacabka.

Ugu danbeyn madaxweynaha ayaa dhamaan Masuuliyiinta iyo Shacabka ugu baaqay in dhinac loogu soo jeesto Xureynta Deegaanadda Koonfur Galbeed ee Dagaalka loogu jiro Al-Shabaab.

Goobjoog News