U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed: Sharif Xasan Oo Tanaasulay, Yaa Madaxweyne Ah?

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaaya Baydhabo ayaa sheegaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan uu iscasilay, kana tanaasulay tartanka madaxtinnimada ee November 17 lagu waday inuu halkaasi ka dhaco.

Kulanka uu isku casilay ayaa waxaa wada fadhiyeen Shariif Xasan iyo wasiirka arrimaha gudaha ee federaalka ah Cabdi Maxamed Sabriye.

Sida ay wararku sheegayaan, waxaa madaxweyne si kmg ah u sii ahaan-doona Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye, kaasi oo ku simmi-doona ilaa laga doorto madaxweyne cusub.

Wararkan iyo sababta uu isku casilay, kala soco, Goobjoog News