U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed: Siyaasiyiin Taageeray Go’aankii Baarlamaanka Ee Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada Koonfur galbeed ayaa taageeray go’aankii kasoo baxay baarlamaanka maamulkaasi Febraayo 19-keedii, kaasi oo ku aadan in dhammaadka sanadkan ay dhacdo doorashada madaxweynaha.

Golaha badbaada Koonfur galbeed  ayaa saxaafadda u sheegay iney ku faraxsan yihiin go’aankaasi, islamarkaana muddo badan ay sugayeen.

golaha ayaa intaasi ku daray in wax wanaagsan ay tahay xilligaan in la helo isbedal cusub iyo sidoo kale in baarlamaanka uu soo doorto madaxweyne cusub 10 bil kadib.

“Annaga oo ah golaha badbaadada K/galbeed waxaan soo dhoweyneynaa go’aankii baarlamaanka ee ahaa in 10 bil kadib ay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulkaasi”.

Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa isku raacay in November 17 ee sanadkan ay dhacdo doorashada madaxtinnimada.

Goobjoog News