U bood dhigaalka

Koonfurta Sudan Oo Ballanqaadday In Ay Ilaalin Doonto Ammaanka Shaqaalaha Gargaarka

Sheeko:Dalka

Madaxda Suudaanta Koofureed ayaa waxay sheegeen in ay ilaalin doonaan xilna ay iska saari doonaan ammaanka Shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha gargaarka iyo kuwa xuquuqul insaanka.

Arrintaan ayaa waxay ku sheegeen si loo gaarsiiyo kaalmooyin bani’aadanimo dadka dhibaateysan kuwaas oo ku nool gobollo badan oo ka tirsan Koofurta Suudaan.

Xuseen Marnot oo ah wasiirka arrimaha bani’aadanimada ee dowladda Koofurta Suudaan ayaa waxaa uu tilmaamay in ay ku dadaali doonaan ilaalinta shaqaalaha gargaarka,isaga oo tilmaamay in ay ku dari doonaan ciidamo ilaaliyo oo suga ammaankooda.

Ku dhawaad 82 qof ayaa lagu dilay Suudaanta Koofureed kuwaas oo dhammaantood u shaqeynayay hay’adaha gargaarka tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday dalkaasi.