U bood dhigaalka

Koox Batariyada Ka Furata Nalalka Cadceedda Ku Shaqeeya Oo Lagu Qabtay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ee maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxay ku xireen rag la sheegay in ay marar badan Batariyada ka furteen nalalka ku shaqeeya cadceedda ee magaaladaasi.

Cabdi Cali Muuse, taliye ku xigeenka saldhigga Boosaaso oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan ay soo qabteen ay tiro ahaan gaarayaan 5, islamarkaana cadaaladda ay horkeeni doonaan.

Waxa uu sheegay in ay jiraan rag kale oo la shaqeysaneyey ragga la qabtay, kuwaasi oo lagu raad joogo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada waxay soo qabteen 5 nin oo ku howlanaa iney xadaan hantidii dadweynaha, waxaa inoo suuragashay in aan helno kuwii furfuranayey qaarkood iyo kuwii ka iibsanayey, kuwo kalena waan ku raadjoognaa” ayuu yiri taliye ku xigeenka.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kusoo badanayey ragga furta batariyada ku shaqeeya nalalka cadceedda.

Goobjoog News